Home / Habka-Nolosha / Arsenal wada-hadal lama gelin Mesut Ozil ilaa Febraayo

Arsenal wada-hadal lama gelin Mesut Ozil ilaa Febraayo

Muqdisho – Arsenal ayaa lagu soo warramayaa in aysan wada-hadal heshiis kor dhin ah la yeelan xiddiga Mesut Ozil kaas oo suurta-gal ah in uusan heshiis cusub u saxiixin kooxda, lixdii bilood ee lasoo dhaafay Arsenal iskuma aysan dayin inay laacibkan la furto wada hadallo heshiis kordhin ah.

28-jirkan ayaa haatan ku jira 12-kii bilood ee ugu danbeysay heshiiskiisa uu kula joogo Gunners, isaga oo ku guul-darreystay inuu heshiis cusub la galo kooxda kadib markii uu dalbaday in mushaharka loo kordhiyo, mushaarka uu hadda ka qaato kooxda ayaa gaaraya £140,000 toddobaadkii.

In kastoo uusan xiiso ka helin Ozil kooxo kale oo saxiixiisa doonaya suuqii xirmay, hadana waxaa soo baxayay warar sheegaya in uu qarka u saaran yahay saxiixa qandaraas cusub kooxda tababare Arsene Wenger, laakiin wargeysyada Germany ayaa soo jeediyay in labada dhinac aysan ka wada hadlin heshiis cusub tan iyo markii ay kala boodeen bishii Febraayo.

SportBild ayaa sheeganeysa in Arsenal ay diyaar u tahay inay kala hadasho suurto-galnimada uu kubadsameeyaha Jarmalka kusii joogayo Emirates.

Warar dhawaan soo baxayay ayaa sheegaya in Arsenal ay u soo ban-dhigtay Ozil £300,000 oo mushaar ah toddobaadkii si uu u saxiixo heshiis cusub, halka Wenger uu qiray inuu rajeynayo inuu sii joogo kooxda xiddigan.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan