Home / Habka-Nolosha / Arsene Wenger oo doonaya inuu ilaashado laacibkiisa Wilshere.

Arsene Wenger oo doonaya inuu ilaashado laacibkiisa Wilshere.

Muqdisho – Arsene Wenger ayaa wacad ku maray inuu ku dagaallami doono 100% sidii Jack Wilshere uu ugu sii negaan lahaa  Arsenal, wuxuuna ciyaaryahankan qadka dhexe ka doonayaa in uu saxiixo heshiis cusub

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa isbuucii hore sheegay in laga yaabo inuu ka tago Emirates Stadium isagoo raadinaya koox kubada cagta oo uu ka heli karo fursad dhameystiran.

Wilshere ayaa dhaawacyo dhowr ah oo soo gaaray ay hoos u dhigeen qaab ciyaareedkiisa sanadihii ugu dambeeyay,

“Wixii isaga ah, waxa ay aheyd kaliya taam ahaansho waxaana loo tixgeliyaa sida ciyaaryahan kasta oo kale,” ayuu u sheegay suxufiyiinta.

“Kama fekerayo mustaqbalkiisa, mar walba waxaan ka filayaa xiisahiis, sababta oo ah waa ciyaaryahan Arsenal ah tan iyo markii uu ahaa ilmo.”

Wilshere ayaa la fahamsan yahay inuu xiiseynayo Real Betis, qandaraaskiisa ayaana dhacayo xagaaga soo aadan.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan