Home / Cayaaro / Arteta oo doonaya in David Luiz uu sii joogo Arsenal

Arteta oo doonaya in David Luiz uu sii joogo Arsenal

Himilo – Tababara Arsenal Mikel Arteta ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in David Luiz uu joogo kooxda xagaagan.

Qandaraaska daafaca ee Emirates Stadium ayaa dhacaya dhammaadka ol-olaha 2019-20, waxaana soo baxayay warar ku saabsan mustaqbalkiisa.

Luiz ayaa loo qaatay markii hore in uu saxiixay heshiis labo sanno kaddib markii uu ka soo tagay Chelsea laakiin wakiilkiisa ayaa dhawaan shaaciyay in qandaraaska 33 jirka uu dhacayo xagaaga.

Artetea oo hadlayay kahor kulanka kooxdiisa iyo Man City, waxa uu tilmaamay in uu jeclaan lahaa in cayaaryahanka qaranka Brazil uu sii joogo Arsenal.

Luiz ayaa dhaliyay labo gool isaga oo caawiyay gool kale 32 kulan oo Arsenal ah xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan