Home / Cayaaro / Arteta oo ka hadlay mustaqbalka Mkhitaryan ee Arsenal

Arteta oo ka hadlay mustaqbalka Mkhitaryan ee Arsenal

Himilo – Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa daaha ka qaaday in uu markasta xiiseeyo Henrikh Mkhitaryan isaga oo tilmaamay in laacibka uu u adeegsan doono safka koowaad ee kooxda xagaaga soo socda.

Inkasta oo uu dhaawac noqday, haddana Mkhitaryan oo heshiis ammaah ah ku jooga Rome ayaa dhaliyay 6 gool isaga oo caawiyay afar kale 17 kulan oo horyaalka Seria A iyo Europa League-ga .

Iyada oo la filayo in cayaaryahanka reer Armenia uu ka tago Emirates Stadium xagaaga haddana Arteta ayaa xusay in 31 jirka uu ku jiro qorshihiisa xagaaga.

“ Waa suuragal, waan eegeynaa, waan jeclaa markasta, waa nuuca cayaaryahan ee ku habboon koox kasta,” ayaa laga soo xigtay tababaraha Arsenal.

Tan iyo markii uu u dhaqaaqay Arsenal bishii Janaayo ee sannadkii 2018-ka, Mkhitaryan ayaa dhaliyay 9 gool 59 kulan oo ah dhammaan tartamada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan