Home / Habka-Nolosha / Asensio oo doonaya inuu ka tago Real Madrid kuna biro Man Utd.

Asensio oo doonaya inuu ka tago Real Madrid kuna biro Man Utd.

Muqdisho – Marco Asensio ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu ka tago Real Madrid kuna biiro kooxda Manchester United.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu rajada sareysa kubada cagta adduunka, Real ayaana dhawaan u dhaqaaqday inay heshiiska u kordhiso si uu usii joogo Bernabeu.

Si kastaba ha ahaatee, kadib markii uu afar kulan ku soo bilowday tartamada oo dhan labadii bilood ee lasoo dhaafay, 21 jirkan ayaa lagu soo warramayaa inuu ku fikiray inuu ka tagista kooxda ka dhisan La Liga.

Sida laga soo xigtay Diario Gol, kubbad sameeyaha reer Spain ayaa doonaya inuu ka ciyaaro England, waxaana uu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro United oo uu aaminsan yahay in ay leedahay falsafadda xirfadiisa ciyaareed.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheeganeysa in tababaraha Zinedine Zidane uu u furan yahay inuu iska iibiyo Asensio.

Wadar ahaan, Asensio ayaa ka gacan geystay afar gool ka dhaliyey 10 kulan oo uu kusoo bilawday iyo 8 uu baddel kusoo galay  horyaalka La Liga iyo Champions League.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan