Home / Deegaan / Asia oo go’aansaneysa ilaalinta shabeelka iyo maroodiga qaaradda

Asia oo go’aansaneysa ilaalinta shabeelka iyo maroodiga qaaradda

Himilo – Mas’uuliyiin ka socday 130 dal oo kulan ku yeeshay Hindiya ayaa isla afgartay tallaabooyin cusub oo lagu badbaadinayo shabeelka iyo maroodiga qaaradda Asia.

Goor sii horreysay, 6 kamid ah dowladaha Asia ayaa soo jeediyay qorshayaal lagu ilaalinayo shabeelka ku baahsan xudduuda dhowr dal oo khatar ugu jira dabargo’ kaddib markii la waayay 40% tirada xayawaanka.

Inkasta oo sharciyada dalal badan oo Asian ah ilaalinayaan xayawaankan haddana waxa uu wajahayaa dhibaatooyin badan sida saxaroobidda iyo ugaarsiga bini’aadamka.

Go’aanada madaxda shirtay waxaa sidoo kale kamid ah mid ku qotoma ilaalinta maroodiga Asia oo si lamid ah xayawaanka shabeelka wajahaya caqabado badan.

Waxaa xusid mudan in Hindiya ku nool yihiin 60% maroodiga qaaradda Asia.


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan