Home / Habka-Nolosha / Askari hore oo naafo ah oo jabiyay rikoor caalami ah!

Askari hore oo naafo ah oo jabiyay rikoor caalami ah!

Himilo FM – Askari horay uga tirsanaa ciidamada badda Ingiriiska oo naafo ka ah lugaha ayaa ka gudbay badweynta Atlantic-kada islamarkaana waxa uu jabiyay rikoor caalami ah.

Lee Spencer oo 49 jir ah ayaa ku tagay koonfurta Ameerika 36 maalmood isaga oo jaray 6 kun oo km, waxaana sidaasi ugu suura gashay inuu jabiyo rikoor caalami ah oo uu qof hore sameeyay kaasi oo badweynta Atlantic-kada uga gudbay 96 maalmood sannadkii 2002-dii.

“ Hadda ayuu sameeyay, waxa uu Lee ka gudbay badweynta isaga oo dhigay rikoor cusub oo caalami ah, ” ayaa lagu yiri qoraal la dhigay bog Twitter-ka ah oo sita magaca ninka naafada ah.

Mr lee ayaa bilaabay safarka uu uga gudbayo badweynta Atlantic-kada 9-kii bishii Janaayo isaga oo adeegsanaya doon. Waxa uu hakaday dhowr jeer laakiin ugu danbeyn waa uu gaaray hadafkiisa sida laga soo xigtay wargeyska The Telegraph.

Waxa uu noqonayaa safarkan midkii 2aad ee Lee uu kaga gudbay badweynta atlantic-kada hase ahaatee safarkiisa hore waxaa ku wehlinayay askar kale oo naafo ah.

“ Haddii qof naafo ah uu badweynta ka gudbi karo islamarkaana uu sameyn karo rikoor cusub waa arrin weyn, ” ayuu yiri Lee

Waxa uu rajeynayaa Lee in safarkan uu wax ka badali doono aragtida khaldan ee laga aaminsan yahay dadka naafada ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan