Muqdisho – Asmir Begovic ayaa qirsan inuu ka quustay safashada kulamada kooxdiisa xilli uu isku golaadinayo inuu lumiyo la ruxista Blues-ka koobab usoo carfaya hanashadooda tiiyoo ay Bournemouth quuddareynayso saxiixiisa kahor intuusan xirmin suuqa.
Chelsea ayaa badal u raadsaneysa bookiisa ah goolhayaha labaad kahor intaysan iska dirin laacibkan.
Goolhayaha reer Bosnia ee Begovic ayaa hadlayay kadib kulankii ay kooxdiisa 4-0 kaga adkaatay Brentford ciyaar katirsan FA Cup-ka England – oo u muuqatay kulanka ugu danbeeya ee uu u safto Blues-ka.
Mar wax laga weydiiyay mustaqalkiisa kooxda, Begovic ayaa ku niyad-furnaa inuu si cad uga jawaabo nolosha kooxdiisa hoggaanka ku raaxaysaneysa.
“Waxaan dareemaya adkanaan inan muddo u ciyaarin sida aan jeclaa: inaan iskaga dhaqaaqana waa wax aan jeclaan lahaa,” ayuu yiri. “Haddii ay kooxdu ii oggolaan lahayd inaan sameeyana si sababaysan, marka taas waa waxa aan sameyn lahaa.”
Begovic, hayeeshe wuxuu sheegay inuusan ka qoomameyn kusoo biirista kooxda Chelsea – wuxuuna bogaadiyay laacibka ka xigsaday booska koobaad ee Courtois.
29-jirkan u dhashay Bosnia ayaase u arkin fursad inay kaga lumeyso inuu kooxda la hanan waayo koobka ay ku mintidayso hanashadiisa ee PL.
Chelsea ayaa laba midkood, Craig Gordon oo katirsan kooxda Celtic ama Salvatore Sirigu oo Sevilla dooneysa inay ku badasho booska Begovic.