Home / Habka-Nolosha / Aston Villa, Leicester iyo West Brom oo xiisaynaya Carrick.

Aston Villa, Leicester iyo West Brom oo xiisaynaya Carrick.

Muqdisho – Kooxaha Aston villa, Leicester iyo West Brom ayaa xiiseynaya heshiis ay ka helaan ciyaaryahanka qadka dhexe ee Manchester United, Michael Carrick.

Carrick ayaa u saxiixay hal sano oo heshiis ah Manchester United, wuxuuna sanadkan hal kulan u ciyaaray Man Utd  waana kulan katirsan Carabao Cup oo ay u baxeen  Burton.

Ciyaaryahankii hore ee England ayey sanadkan nasiib daro soo food saartay kadib markii uu ku fashilmay in uu kamid noqdo kooxda koobaad ee United, waxaana usii dheer dhaawac ka reebay kooxda labaad ee Shayaadhiinta Cascas.

Sida ay warineyso The Mirror, kooxda ka ciyaarta Championship-ka ee Aston Villa iyo kuwa  Premier League-ka ka dheela Leicester iyo West Brom ayaa dhammaantood xiiseynaya saxiixa laacibkan kubad sameeyaha ah.

Carrick ayaa booskiisa safka koobaad ee kooxda u waayey laacibiinta kala ah  Nemanja Matic, Paul Pogba and Marouane Fellaini.

Carrick ayaa hadda ah kabtanka rasmiga ah ee kooxda waxaana xilkaas loo magacaabay kadib markii Weyn Rooney uu ka tagay naadiga.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan