Himilo- Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay Aston Villa ka jeesan doonto ‘haddii ay iskudayaan saxiixa xiddiga qadka dhexe ee John McGinn inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.
Red Devils ayaa la sheegay inay u aragto 25-jirka inuu yahay imaatin cusub oo macquul ah kadib markii lala dhacay qaab ciyaareedkiisa Premier League inta lagu jiro ololaha xilli ciyaareedka 2019-20.
Sir Alex Ferguson ayaa la rumeysan yahay inuu si weyn u jecel yahay hibada xiddigii hore ee khadka dhexe ee Hibernian, iyadoo macalinka halyeeyga United lagu eedeeyay inuu ku riixayay kooxda 20ka jeer horyaalka Ingariiska haysata inay u dhaqaaqdo.
Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Birmingham Mail, Villa ayaa diidi doonta qaab kasta oo uga yimaada kooxda Ole Gunnar Solskjaer bilowga 2020, halka dalabyada kaliya la tixgelin doono marka la gaaro suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.
McGinn ayaa Villa u saxeexay heshiis afar sanadood ah markii uu yimid xagaagii 2018, xiddiga khadka dhexe ayaa dhaliyay 7 gool 45 kulan oo uu u saftay kooxda Dean Smith intii lagu jiray ololaha 2018-19.
Xilli ciyaareedkan, xiddiga qadka dhexe, oo haatan qandaraaska uu kula joogo Villa Park ku eg ilaa iyo Juun 2024, ayaa seddex gool iyo labo caawin ka sameeyay 11 kulan oo Premier League ah.