Home / Cayaaro / Aston Villa oo si rasmi ah ula wareegtay Anwar El Ghazi

Aston Villa oo si rasmi ah ula wareegtay Anwar El Ghazi

Himilo FM –Aston Villa ayaa Anwar El Ghazi kaga soo iibsatay kooxda Faransiiska ee Lille heshiis joogto ah.

24 jirkan ayaa qandaraas afar sanno ah u saxiixay isagoo xilli ciyaareedkii hore ammaah ku qaatay Villa Park.

El Ghazi ayaa u ciyaaray Sky Bet Championship final-kii Play off-ka  ee ay la ciyaareen Derby bishii lasoo dhaafay isagoo dhaliyay goolkii furitaanka kulankii ay 2-1 kaga badiyeen, Villa ayaana  ku soo laabatay Premier League.

Aston Villa ayaa sidoo kale la filayaa inay la saxiixato Kortney Hause oo ka mid ah Wolves ka dib markii uu go’aansaday inuu  ammaahda ka dhigo mid rasmi ah.

Macallin Dean Smith ayaa sidoo kale doonaya inuu  iibsado daafaca Bournemouth Tyrone Mings oo si ammaah ah ugu  ciyaaray Villa Park qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore.

Mings oo 26 sanno jir ah ayaa ah saxiixii ugu dambeeyay ee kooxda Cherries ugu qaalisanaa 2015-kii, waxaana uu heystaa labo sanno oo uga harsan  qandaraaskiisa.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan