Home / Cayaaro / Atletico Madrid oo beegsaneysa weeraryahanka Alexandre Lacazette

Atletico Madrid oo beegsaneysa weeraryahanka Alexandre Lacazette

Himilo – Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ka fekerayso u dhaqaaqista weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette kaddib markii dadaalada kooxda ee saxiixa laacibka PSG Edinson Cavani ay fashil ku soo dhammaadeen.

Kooxda Diego Simeone ayaa la soo warinayaa inay daneynayso xoojinta weerarkeeda iyada oo keliya dhalisay 22 gool oo horyaalka ah xilli cayaareedkan.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, kooxda ku guuleysatay La Liga sannadkii 2014 ayaa u dhaqaaqi karta Lacazette iyada oo sidoo kale bartilmaameed noqon karaan ciyaaryahannada Cedric Bakambu iyo Paco Alcacer.

Cavani ayaa u muuqda bartilmaameedka koowaad ee  Atletico Madrid inkasta oo labada koox isku-afgaran la’yihiin.

Weeraryahanka Arsenal ayaa dhaliyay 42 gool 108 kulan oo uu u saftay kooxda Waqooyiga London laakiin waxa uu shabaqa soo taabtay keliya 5 jeer xilli cayaareedkan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan