Home / Habka-Nolosha / Atletico Madrid oo dooneysa ciyaaryahanka Mesut Ozil.

Atletico Madrid oo dooneysa ciyaaryahanka Mesut Ozil.

Muqdisho – Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa inuu bar-tilmaameed u yahay kooxda Atletico Madrid.

Ozil ayaa hal sano kaga hartay qandaraaskiisa Emirates Stadium, kooxo badan oo ay ku jirto Manchester United ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kubad sameeyahan.

Si kastaba, sida laga soo xigtay jariiradda The Sun, Atletico ayaa dooneysa inay ka faa’iideysato is-bedel la’aanta ku hareereysan mustaqbalka 29 jirkan iyaga oo doonaya in ay helaan adeeggiisa.

Kooxda La Liga ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhibtoonayso heysashada Saul Niguez, Ozil ayaana loo arkaa inuu bedeli karo xiddiga reer Spain.

Tababare Diego Simeone ayaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu Ozil qandaraas la gaaro isla markaana uu siiyo mushaar gaaraa 200 kun oo ginni Isbuucii, in kasta oo laga yaabo inuu hoos u dhigo dalabkan  xiddiga reer Jarmalka.

Ozil ayaa dhaliyay hal gool oo kaliya labo kalana caawiye ayuu ka noqday sagaal kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan – wuxuu la hadli karaa kooxaha ajaaniibta ah sida ugu dhaqsiyaha badan bisha Janaayo haddii uusan qandaraas cusub u saxiixo Gunners.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan