Home / Cayaaro / Atletico Madrid oo iskaga hartay doonista Nicolas Otamendi

Atletico Madrid oo iskaga hartay doonista Nicolas Otamendi

Himilo -Atletico Madrid ayaan la soo saxiixan doonin daafaca Manchester City Nicolas Otamendi,laakiin badalkiisa waxa ay ka arinsanayaan u dhaqaaqida xidiga Ajax Daley Blind.

Kaddib markii 14 kulan uu ku billowday Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaa la soo jeediyay in daafaca dambeedka dhexe loo ogolaan karo inuu ka tago Etihad Stadium xagaagan.

Atletico – iyo sidoo kale dhowr kooxood oo kale oo La Liga ah ayaa lala xiriiriyay inay u dhaqaaqayaan, inkastoo 31 jirkan uu weli seddex sanno uga harsan yahay qandaraaskiisa.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay wargeysyada Spain, Atletico ayaan qorsheyneynin inay dabagal ku sameyso xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka .

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Mario Hermoso iyo Danny Blind  ay labaduba yihiin kuwa diiradda ay saarayaan kaddib markii uu ka tagay Lucas Hernandez oo uu ka mid noqday kooxda Bayern Munich.

El Mundo Deportivo ayaa sheegaya in xiddiga reer Holland ahna laacibkii hore ee Manchester United uu yahay qorshaha labaad ee Atletico ‘Plan B’ iyo xiddiga kooxda Espanyol Mario Hermoso, oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 40 milyan Euro.

Daafaca reer Argentine Otamendi ayaa City kaga soo biiray Valencia xagaagii 2015-kii qiimo dhan € 45m, waxaana uu kooxda ka caawiyay labo horyaal.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan