Home / Cayaaro / Atletico Madrid oo ku dhaw saxiixa xiddig ay dooneyso Napoli

Atletico Madrid oo ku dhaw saxiixa xiddig ay dooneyso Napoli

Himilo -Atletico Madrid ayaa la soo warinayaa inay ku dhaw dahay inay la soo wareegto James Rodriguez oo katirsan kooxda ay ku xafiiltamaan caasimadda ee Real Madrid.

28 jirkan ayaa labo xilli ciyaareed oo ammaah ah ku qaatay Bayern Munich, waxaana loo sheegay in Zinedine Zidane  qorshaha kooxda xilli ciyaareedka soo socda ee Bernabeu uusan ka mid ahayn.

Rodriguez ayaa la fahamsan yahay inuu qarka u saaran yahay inuu ku biiro naadiga uu maamulo  tababarihii hore ee Real Madrid Carlo Ancelotti  ee Napoli laakiin wadahadaladaas ayaa la hakiyay, xiddiga heerka caalami ee dalka Colombia ayaa iska saaray fikradda ah inuu u dhaqaaqo Naples-ka.

Wargeyska Marca ayaa sheegay in Rodriguez uu ku fiicnaan lahaa caasimadda Spain, islamarkaana uu u furan yahay inuu ku biiro Atletico, kuwaas oo wali suuqa ugu jira weerar cusub ka dib markii uu ka tagay Antoine Griezmann.

Caqabada keliya ee heshiiska  waa  tartan ka dhaxeeya labada kooxood, inkastoo Real ay dooneyso inay lacag caddaan ah ku hesho oo ay ku qasbantahay  inay ganacsi la sameeyaan deriskooda.

Atletico ayaa horay ula soo saxiixatay Marcos Llorente oo ka yimid Real Madrid waana xagaaga ay  kharash badan bixiyeen kooxda horyaalka La Liga, waxaa si la mida ay keensadeen  Joao Felix, Felipe iyo Renan Lodi intii lagu jiray £ 175m oo ay qarash gareeyeen.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan