Home / Cayaaro / Atletico Madrid oo la xiriirtay wakiilka Mauro Icardi

Atletico Madrid oo la xiriirtay wakiilka Mauro Icardi

Himilo – Atletico Madrid ayaa la soo warinayaa inay xiriir la sameysay wakiilka weeraryahanka reer Argentine Mauro Icardi si looga wada hadlo suurtagalnimada in cayaaryahanka la keeno garoonka Wanda Metropolitano xagaaaga.

Icardi ayaa xilli cayaareed ammaah ah ku qaatay PSG isaga oo dhaliyay 20 gool 31 kulan oo uu ka soo muuqday safka kooxda Faransiiska ah.

PSG ayaa heysata fursad ay heshiis rasmi ah kula saxiixan karto cayaaryahanka Koonfurta Ameerika xagaaga. Sida laga soo xigtay Tuttosport, Atletico ayaa xiriir la sameysay wakiilka Icardi si wadahadal looga galo in laacibka la keeno kooxda reer Spain.

Atletico ayaa u aragta 27 jirka beddalka Diego Costa oo qandaraaskiisa Madrid uu dhacayo June 2021-ka.

Icardi ayaa dhaliyay 124 gool 219 kulan oo uu u saftay Inter tan iyo markii uu kaga soo biiray Sampdoria sannadkii 2013-ka laakiin xiriirka weeraryahanka ee kooxda Talyaani ayaa xummaaday xilli cayaareedkii hore.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan