Home / Cayaaro / Atletico Madrid oo xiriir la sameysay Alexandre Lacazette

Atletico Madrid oo xiriir la sameysay Alexandre Lacazette

Himilo – Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirtay weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette si ay ugala hadasho heshiis uu ugu dhaqaaqayo garoonka Wanda Metropolitano suuq furanka xagaaga.

Cayaaryahanka 28 jirka ah ayaa dhaliyay 9 gool oo ay ku jiraan 2 gool oo horyaalka Ingiriiska ah 26 kulan oo uu u saftay Arsenal xilli cayaareedkan.

Laacibka Faransiiska ayaa heysta qandaraas uu ku sii joogi karo Emirates Stadium illaa xagaaga 2022-ka inkasta oo mustaqbalkiisa England laga hadlayo.

Sida laga soo xigtay Soccerlink, madaxa cayaaraha Atletico , Andrea Berta ayaa la xiriiray cayaaryahanka si uu ugala hadlo heshiis kahor ol-olaha 2020-21

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in Arsenal daneynayso inay iibiso Lacazette oo dhaliyay 45 gool 114 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan magaaalada London.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan