Himilo FM –Atletico Madrid ayaa xiiseyneysa inay lasoo saxiixato weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette xagaagaan.
Diego Simeone ayaa bilaabay raadinta beddelka xiddiga Antoine Griezmann iyadoo xiddiga reer France uu ku dhaw yahay inuu ku biiro Barcelona.
Griezmann ayaa Isbuucan ku dhawaaqay inuu ka tagayo Atletico bilaha soo socda, ka dib xiisaha weyn ee sannadkii hore uga imanayay Camp Nou, Barcelona ayaa weli ugu cadcad saxiixiisa.
Ka bixitaankiisa Atletico Madrid, waxa Simeone uu u aqoonsaday Lacazette inuu yahay ninka beddelaya ninka ay isku wadanka yihiin.
Wargeyska Faransiiska Le 10 Sport ayaa soo wariyay in kooxda reer Spain ay xiriir la sameysay Arsenal oo ay ku dooneyso inay u dhaqaaqdo laacibkan.
Gunners ayaa dooneysa inay sii haysato Lacazette si uu u sii wado wadashaqeynta uu kala sameeynayo Pierre-Emerick Aubameyang Emirates Stadium.
27 jirkan ayaa 13 gool ka dhaliyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, waxa uu , sidoo kale caawiyay siddeed gool, waxaana uu qeyb muhiim ah ka ahaa xidigaha gaaray finalka Europa League.