Muqdisho – Atletico Madrid ayay wararku sheegayaan in ay qorsheynayso in ay si toos ah ugu dhaqaaqdo ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea, Diego Costa marka ay FIFA-ka qaado ganaaxa bisha January.
Madax-weynaha Rojiblancos, Enrique Cerezo ayaa yiri “Waan ku rajo weynahay inaan helno Costa suuq yaraha bisha janaayo oo ah marka uu furmo suuqa dhex yaalka.
Lama soo wareegi karno wax ciyaaryahan ilaa bishha Janaayo. Waxaan ku rajo weynahay in Costa iyo ciyaaryahano kale ay imaan doonaan”, ayuu kusii daray hadalkiisa.
Atletico ayaa laga mamnuucay inay ciyaartoy cusub soo iibsato ka dib markii ay ku xad-gudubtay daaqadaha kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana lagu ganaaxay £622,000 waxeyna soo iibsatay ciyaaryahanno badan oo da’da 18-ka sano ka yar.
Costa ayaa iska diiday in uu u ciyaaro kooxda Blues waxaana laga saaray ciyaartoyda Chalsea ee ka qeyb-galaya koobka horyaallada Yurub, Antonio Conte ayaa hore fariin ugu diray xiddigan isaga oo u sheegay in uusan qeyb ka aheyn qorshihiisa xagaagan.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.