Home / Cayaaro / Aubameyang oo wali rajo ka qaba ku biirista Barcelona

Aubameyang oo wali rajo ka qaba ku biirista Barcelona

Himilo – Kaptanka Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa la soo warinayaa in uu rajo ka qabo ku biirista kooxda Barcelona suuq furanka xagaaga.

31 jirka ayaa sameeyay bandhig wanaagsan ol-olaha 2019-2020 isaga oo dhaliyay 25 gool 42 kulan oo ah dhammaan tartamada oo idil.

Qandaraaska Aubameyang ee garoonka Emirates Stadium ayaa dhacaya xagaaga inkasta oo ay jiraan warar badan oo la xiriira mustaqbalka cayaaryahanka.

Sida laga soo xigtay Sport, laacibka reer Gabon ayaa rajo badan ka qabo in uu xagaaga u wareego Barcelona.

Mikel Arteta ayaa ku kalsoon in xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang uu kooxda sii joogi doono isla markaanna laacibka reer Gabon uu baaqi ku aahan doono Emirates.

Aubameyang waxa qandaraaskiisa kooxda kaga haray muddo 12 bilood laakiin Arteta waxa uu leeyahay “ Waxaa socda wadahadallo heshiis cusbooneysiin ah.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan