Home / Macluumaad / Australia: Beeraleyda ku nool miyiga fog oo Pizza-da loogu geynayo deeganadooda

Australia: Beeraleyda ku nool miyiga fog oo Pizza-da loogu geynayo deeganadooda

Himilo – Si loo dhiso kalsoonida dadka ku nool goobaha miyiga fog ee Australia, maqaayad ku taalla dalkaasi ayaa billowday hab aan caadi aheyn oo Pizza-da lagu gaarsiinayo dadka.

Maqaayadda Dunmarra Wayside ee ku taalla Australia ayaa adeegsaneysa diyaarad yar si beeraleyda  ku nool miyiga fog ee ku jira karantiilka loo gaarsiiyo Pizza-da.

Tijaabada maqaayadan oo dhacda gobalka waqooyi ee Australia ayaa la filayaa inay isu beddasho adeeg cuntada fudud lagu gaarsiiyo deegaanada fog fog toddobaad kasta.

Agaasimaha maqaayadda Ben Anderson oo gacantiisa ku diyaariya Pizza-da ayaa u sheegay wakaaladda AFP in dadka ku nool miyiga fog soo dhaweeyeen adeegga oo ay baahi badan u qabeen.

Lama shaacin  marka hore adeegga iyo nuuciisa illaa laga hubsado in aragtida shaqeyn karto islamarkaana la adeegsan karo diyaarada.

“Markii hore, waxaan dareemaynay cabsi badan laakiin hadda way shaqeysay aragtida,” ayaa laga soo xigtay Ben Anderson.

Australia, dowladda ayaa ku amartay dadweynaha inay ku jiraan karantiil dhowr maalmood ah. Deegaannada miyiga fog ee dalka ayaa lagu soo waramayaa in uu sidoo kale saameeyay go’aanka.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan