Dowlada Australia oo qorsheyneysa inay xakameyso caruurta da’da ay ku isticmaali karaan baraha bulshada kadib markii la ogaaday inay ka dhashaan xanuuno maskaxeed iyo kuwo nafsi ah.
Rasul-wasaaha dalkaa Anthony Albanese waxa uu sheegay in dowladadiisu ay qorsheyneyso inay soo kordhiso qorshe lagu xakameynayo caruurta isticmaasha baraha bulshada, si loo yareeyo dhibaatooyin aan xadka laheyn ee ka dhasha.
Ma uusan sheegay da’da loo fasaxayo isticmaalka baraha bulshada balse waxaa larajeynaa inay noqoto 16 iyo kaweyn.
‘waxaan doonayaa in aan arko caruurta oo howl maalmeedkooda wata kuna ciyaaraya goobaha loogu tallogalay, halkii aan arki lahaa, caruur ku mashquulsan baraha bulshada oo sababa dhibaatooyin bulsho’ sidaa waxaa yiri rasul-wasaare Albanese
Sharcigan waxa uu dalka Austria ka dhigayaa dalkii ugu horeeye caalam-ka ee soo roga xayiraad caruurta laga saarayo isticmaalka baraha bulshada.
Iskuday noocan oo kale ah waxaa horay ugu guuldareestay midowga Europe kadib markii dad badan ay ka horyimaadeen.
Milkiilaha shirkada META ee laysku yiraahdo Facebook iyo Instagram oo ka hadlay qorshaha cusub ee dowlada Australia waxa uu sheegay in sharcigan uu caqabad ku noqon doono awood siinta dhalinyarada iyo inay ka faaideystaan fursadaha suuqan kajira.
Australia waa mid kamid ah dalalka dadka ugu badan ee baraha bulshada isticmaala ay ku noolyihiin 26 million oo qof oo dalkaa u dhashay ayaa isticmaalo baraha bulshada.
Cilmi baaris ay sameyse Jaamacada Sidney sanadkii 2023 waxaa lagu ogaaday in sadax meeloo meel kamid ah da’yar u dhaxeysa 12 illaa 17 sanno inay leeyihiin YouTube ama Instagram.



