Himilo- Xukuumadda Austria ayaa go’aansatay in guriga uu ku dhashay Adolf Hitler loo beddalo xarun booliis kaddib muddo dhowr sanno ah oo ay taagneyd dood xagga sharciga ah.
Wasaaradda arrimaha gudaha Austria ayaa sheegtay in guriga laga dhigi doono xarun booliis si looga hortago in uu u noqdo goob ay tagaan kooxaha Naasiyiinta.
Adolf Hitler, hoggaamiyihii Naasiyiinta, waxa uu ku dhashay dhismo ku yaalla Braunau oo katirsan dalka Austria kuna dhaw xudduuda uu dalkaaasi la wadaago Jarmalka.
Tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee dunida, dowladda Austria ayaa ku dadaalaysay inay jarto xiriirka gurigaasi iyo dhaxalkii uu ka tagay Hitler.
Labo sanno kaddib, waxay Austria la wareegtay guriga oo ay muddo laheyd Gerlinde Pommer oo ehelkeeda degganaayeen kahor inta uusan ku dhalan Hitler. Ms Gerlinde ayaa ku doonaysa gurigaasi qiimo lacageed gaaraya 1.7 Milyan oo doolar, waxayna u muuqataa in dowladda dooneyso inay magdhaw siiso qoyska.
Austria ayaa si joogto ah u kireysan jirtay guriga tan iyo toddobaatameeyadii iyadoo u adeegsan jirtay inay ku taageerto dadka naafada ah. Waxay haweenayda diiday codsiyo dhowr jeer uga yimid dowladda oo looga iibin lahaa guriga.
Sanadihii danbe, Saraakiisha dowladda Austria ayaa ka walaacsanaa in guriga uu ku dhashay Hitler uu noqdo xarun weyn oo kulmisa kooxaha aaminsan aragtida Naasiyiinta, waxayna dowladda qaaday tallaabooyin looga hortagayo arrintaasi si loo ilaaliyo danta guud.