Muqdisho – 23-jirkan ayaa kusoo biiray Man City isaga oo ka yimid Athletic waana saxiixii lixaad ee uu Pep Guardiola sameeyo xagaagan 2017/18 , wuxuuna qalinka ku duuqagay heshiis gaaraya illaa 2023.
Xiddigan ayaa noqday saxiixa 2-aad ee daafaca ugu qaalisan suuqa kala iibsiga isaga oo ka dambeeya xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk kaas oo ay Liverpool ka bixisay lacag dhan 75 Milyan oo euro.
City ayaa bixisay lacagtii lagu bur-burinayay heshiiska xiddigan oo ku kacaysa 57 milyan oo euro isaga oo noqday daafaca 2-aad ee ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.
23 jirkan reer France ayaa kooxda Man City u xiran doona maaliyada ku suntan tirsiga 14 isaga oo noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Man City ee Bishan.
Lacagta uu Guardiola ku kharash gareeyay lixda saxiix ee uu sameeyay gaadhay 450 milyan Gini isaga oo hadda dhisay koox da’yar u badan oo mustaqbal dheer ku leh Manchester City.
Aymeric Laporte oo ah difaac mustaqbal weyn ku leh kubbada cagta ayaa ugu dambeyn si rasmi ah u noqday ciyaartoy Manchester city ah.
Isaga oo hadlayey ayuu yiri, “aad ayaan ugu faraxsanay in aan halkan joogo” “City waa koox ujeedooyin badan leh waana mid ka mid ah kooxaha Yurub ugu fiican” ayuu ku daray hadalkiisa.