Home / Caafimaad / Baarayaal shaaciyay sababta dad badan u quuriyaan

Baarayaal shaaciyay sababta dad badan u quuriyaan

Himilo – Dad badan ayaa ka cabanaya quurada ama hurdada oo ka kala go’da. Tani waxay xiriir la leedahay sababo badan hase ahaatee daraasad cusub ayaa shaaca ka qaaday in carrabka cayilan uu leeyahay kaalintiisa.

Quurada waxaa loo celiyaa sababo badan sida buurnaanta darran iyo qofka oo ay ka go’do neefta inta uu hurdayo, waana labo arrin oo wada xiriira.

Daraasad cusub oo ay sameeyeen baarayaal katirsan jaamacadda Pennsylvania ayaa tilmaamtay in buurnaanta carrabka saameyn ku leedahay quurada qofka.

Baarayaasha ayaa xusay in markasta oo carrabka uu buuran yahay in qofka u nugul yahay quurada ama neefta oo ka go’da inta uu hurdayo.

Richard Schwab oo madax ka ah qeybta caafimaadka ee jaamacadda Pennsylvania ayaa yiri ” Inta badan dhaqaatiirta, xattaa kuwa taqasusiga ah, diiradda ma saarin culeyska carrabka si loo daweeyo xaaladahan.”

Ku dhawaad 67 qofood ayaa ka qeyb galay baaritaanka, kuwaasi oo badankood ka cabanayay quurada iyo buurnaanta darran.

Daraasadda ayaa lagu soo gunnaanaday in markasta oo buurnaanta carrabka sarreyso in qofka u bandhigan yahay quurada.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan