Himilo – Ra’yi uruurin ay sameysay xarunta Ruushka ee aragtida dadweynaha ayaa muujisay in 68% muwaadiniinta dalka u arkaan haweenka in aysan awoodin maamulka dowladda.
21% dadka ka qeyb galay ra’yi uruurinta ayaa taageeray in haweenka leeyihiin door hoggaamineed halka 56% sheegeen in haweenayda Ruushka noqon karto ra’iisul wasaare.
Inta badan ka qeyb galayaasha taageeray in haweenka kaalin ku yeeshaan siyaasadda ayaa xusay in dumarka aysan qaban karin xilalka wasiirka gaashaandhiga, arrimaha gudaha iyo xeer-ilaaliyaha guud balse ku habboon yihiin xilalka wasaaradaha caafimaadka iyo arrimaha bulshada.
Marka laga fiiriyo dhinaca kale, dadka da’da ah ee laga qaaday codadka ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ka soo horjeestay hoggaaminta haweenka.