Himilo FM –Saynisyahano katirsan machadka Hugai ee dalka Jabaan ayaa shaaciyay in isbadalada iyo musiibooyinka xagga cimilada inay saameyn ku leeyihiin dhalashada carruurta iyadoo wiilasha yihiin kuwa ugu nugul.
Sida laga soo xigtay baarayaasha, duruufaha cimilada ee xun ayaa saameeyay dhalashada carruurta, waxaana si gaar ah loo xusay in sababta dhalashada wiilasha u yartahay loo aaneyn karo arrintaasi.
Khubarada ayaa tusaale u soo qaatay in deegaanada heer kulkooda sarreeyo inay ku dhashaan inta badan wiilasha sida ay qortay warbaahinta CNN-ka oo soo xiganaysa khubarada.
Saynisyahanada ayaa baaray xogaha dhalasho ee deegaano badan oo ay ka jiraan duruufo xagga cimilada ah sida dhulgariir iyo Sunami, waxaana u soo baxday in dhalashada jinsiga labka ah yaraato marka ay dhacaan musiibooyinka.
Natiijooyinka daraasado hore sida mid laga sameeyay wadamada Scandinaviyanka intii u dhaxaysay 1878-1914 ayaa muujisay in isbadalka cimilada sida hoos u dhaca heer kulka uu hoorseeday in tirada dhalashada labka yaraato.
Baaritaan kale ayaa qeexay in kororka heer kulka uu kordhiyay dhalashada wiilasha 0.06% marka loo fiiriyo dhalasha haweenka.
Khubarada ayaa aaminsan in kororka heer kulka uu saameyn toos ah ku leeyahay dhalashada bini’aadamka.