Home / Daraasad / Baaritaan: Kala bar dadka Jarmalka ayaa u arka Islaamka “Khatar”

Baaritaan: Kala bar dadka Jarmalka ayaa u arka Islaamka “Khatar”

Himilo – Daraasad cusub ayaa muujisay heerka dimuqraadiyadda iyo isu dulqaadashada dadka kala diimaha ah ee dalka Jarmalka.

Baaritaanka oo ay sameeyeen baarayaal katirsan machadka Bertilzman ayaa lagu sheegay in inta badan dadka la wareystay ee heysta diimaha kala duwan inay u arkaan dimuqraadiyadda dalka mid maraysa meel wanaagsan.

Iyadoo sidaasi tahay, baarayaasha ayaa oggaaday hoos u dhac la xiriira heerka isu dulqaadashada diimeed ee Jarmalka xilli Muslimiinta wajahayaan dhibaatooyin adag marka la fiiriyo aragtida khaldan ee laga aaminsan yahay.

Khubarada ayaa tilmaamay in aragtiyada diimeed ee adag iyo isu dulqaadasho la’aanta jirta inay dhaawacayso dimuqraadiyadda xilliga fog iyagoo xusay walaaca ah in kala bar dadka ka qeyb galay baaritaanka inay u arkaan Islaamka “Khatar”

Tirada Muslimiinta Jarmalka ayaa lagu qiyaasaa 5 Milyan oo qofood,  waxaana kamid ah qaxooti badan oo dalkaasi uu siiyay magangalyo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan