Home / Macluumaad / Baaritaan: Malaayiin qofood ayaa isticmaasha fure-sireedka 123456

Baaritaan: Malaayiin qofood ayaa isticmaasha fure-sireedka 123456

Himilo FM – Malaayiin qofood ayaa fure-sireed fudud oo la qiyaasi karo ku isticmaala cinwaanno kala duwan sida ay muujisay daraasad cusub oo la sameeyay.

Baaritaanka oo ay sameysay hay’adda amniga elektorooniga ah ee UK ayaa lagu oggaaday in tirsiga 123456 uu noqday fure-sireedka ugu badan ee lagu isticmaalo cinwaanada la jabsaday.

Waxaa kale oo daraasadda xustay marnaanshaha aqoonta xagga elektorooniga ah oo dadka u bandhigaysa khatarta ah in laga faa’iideysto.

NCSC ayaa isticmaashay xogaha xisaabaad ama cinwaanno la jabsaday si loo oggaado fure-sireedyada ugu badan ee dadka adeegsanayeen.

Liiska waxaa ugu horreeyay fure-sireedka 123456 oo ahaa furaha cinwaanno ku dhaw 23 milyan. Booska labaad waxaa soo galay 123456789 oo aan isna aheyn fure-sireed adag.

Xagga magacyada, magaca ugu badan ee laga dhigto fure-sireed waxa uu noqday Ashley, waxaa soo raacay Michael, Daniel, Jessica iyo Charlie.

Cayaaaraha, magaca Liverpool ayaa noqday kan ugu badan ee la adeegsado, waxaa xiga Chelsea.

Dr Ian Levy oo ah agaasimaha farsamada ee hay’adda NCSC ayaa xusay in dadka ka dhigta magacyo caan ah fure-sireedyo inay u nugul yihiin in laga jabsado cinwaanada.

Waxa uu ku talinayaa inay dadka adeegsadaan fure-sireedyo ay xusuusan karaan balse aan aheyn kuwa xambaarsan magacyo caan ah oo la qiyaasi karo.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan