Himilo –Seynisyahano katirsan jaamacadda Harvard ayaa daaha ka qaaday nuuca dhiigga ugu xun ee qeybaha dhiigyada kaddib markii ay baaritaan ka sameeyeen.
Maqaal dheer oo laga qoray baaritaanka ayaa sharraxaad aan horay loo aqoon ka bixiyay qeybaha dhiigga iyadoo nuuca dhiigga ee AB-negative uu noqday kan ugu xun.
Nuuca dhiiggan waxaa saaxiib la ah 8% dadka caalamka sida lagu sheegay baaritaanka seynisyahanada jaamacadda Harvard.
Sida uu qoray bogga Russia Today, khubarada ayaa shaaciyay in dad yar oo kamid ah kuwa dhiiggoodu yahay AB-negative inay dhalaan gaar ahaan waliba marka ay guur wada galaan lamaane saaxiib la ah nuuca dhiiggan.
Waxaa intaa dheer in haweenka dhiiggoodu yahay nuucan inay u nugul yihiin xannuunka kansarka.
Dhanka kale, seynisyahano katirsan jaamacadda University of Vermont ayaa sameeyay baaritaan ku qotoma nuuca dhiigga loo yaqaan AB (IV) Rh rhesus. Waxaa la oggaaday in dadka dhiigoodu yahay nuucan inay u bandhigan yihiin khatarta xannuunada maskaxda.
Alexei Portnov oo ah dhaqtar ku taqasusay xannuunada dhiigga ayaa ku talinaya in qof kasta oo dhiiggiisu yahay nuucan in uu raaco hannaan cunto oo wanaagsan islamarkaana uu ka fogaado cuntada leh dufanta.