Home / Habka-Nolosha / Badmareenkii ka badbaaday shilalkii ugu xummaa qarnigii 20aad!

Badmareenkii ka badbaaday shilalkii ugu xummaa qarnigii 20aad!

Himilo – Ehelka badmareen ka badbaaday labo kamid ah musiibooyinkii ugu xummaa qarnigii 20aad ayaa daaha ka qaaday sheeko layaab leh oo ku saabsan noloshiisa dhabta ah. George Bushamb ayaa ka badbaaday shilalkii Titanic iyo Lucitian ee sannadihii 1912 iyo 1915-kii.

Markii uu ka badbaaday shilkii 2aad ayuu qoyskiisa u sheegay in uu heysto khibrad ku filan oo la xiriirta maraakiibta waaweyn isaga oo xusay in uu doorbidayo doomaha yaryar.

George ayaa ka shaqeynayay qeybta dab damiska ee markabkii Titanic markii uu ku dhacay baraf dhagaxoobay 14 April ee sannadkii 1912-kii.

Badmareenka ayaa maqlay jug culus iyadoo biyo soo buux dhaafiyeen markabka illaa markii danbe loo oggolaaday in uu ka soo baxo qeybta matoorka.

Waxa uu kaddib ka dagay jaranjarada isaga oo dad badan ka caawiyay inay raacaan doon nuuca badbaadada ah illaa uu isaga qudhiisa koray daqiiqadii ugu danbeysay.

Mr George ayaa markii danbe u sheegay guddi Ingiriis ah in uu caawiyay 70 qofood oo uu saaray doonta badbaadada.

Waxa uu intaa raaciyay in haweenka qaar diideen inay raacaan doonta si ay u caawiyaan dadka kale.

Shilkaasi kaddib, George ayaa sidoo kale kamid  noqday dadkii saarnaa markabkii Lucitian oo dagay intii lagu guda jiray dagaalkii koowaad ee adduunka.

George Bushamb ayaa ku dhashay magaalada London isaga oo 10 sanno ka shaqeynayay doomaha iyo maraakiibta waaweyn. Waxa uu geeriyooday isaga oo 72 jir ah sannadkii 1944-kii.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan