Bakayoko oo ku biiraya Chelsea.

Muqdisho – Tiemoue Bakayoko ayaa lagu wadaa in adduun dhan £35 million uu kaga guuro kooxdiisa Monaco isaga oo ku biiraya kooxda Chelsea.

Antonio Conte ayaa Bakayoko ka dhigay xulashada uu doorbidayo inuu ku xoojiyo qadka dhexe ee naadiga, heshiiskana waxaa lagu qeexay mid labada dhinac ay iskaga soo dhawaadeen.

Chelsea ayaa aad uga dhursugi kari la’ayd saxiixa laacibka, ugu danbeyntiisa dardar-gelin muuqata kadib, dhinacyada ayaa isku af-gartay inuu ku biiro kooxda heysta horyaalnimada PL England.

Monaco ayaa baddalka Bakayoko Chelsea kaga doonaysay laacibka Michy Batshuayi, hayeeshe taasi uma noqon mid suuragasha.

Chelsea ayaa sidoo kale dadaal ugu jirta saxiixa Romelo Lukaku kadib markii Costa uu sheegay in macalin Conte uu farriin-qoraal ugu sheegay inaan looga baahneyn gegida Stampford Bridge.

Bakayoko, oo 22-jir ah, ayaa Monaco ka caawiyay hanashada horyaalka Faransiiska

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan