Home / Habka-Nolosha / Bakayoko oo ku biiraya Chelsea.

Bakayoko oo ku biiraya Chelsea.

Muqdisho – Tiemoue Bakayoko ayaa lagu wadaa in adduun dhan £35 million uu kaga guuro kooxdiisa Monaco isaga oo ku biiraya kooxda Chelsea.

Antonio Conte ayaa Bakayoko ka dhigay xulashada uu doorbidayo inuu ku xoojiyo qadka dhexe ee naadiga, heshiiskana waxaa lagu qeexay mid labada dhinac ay iskaga soo dhawaadeen.

Chelsea ayaa aad uga dhursugi kari la’ayd saxiixa laacibka, ugu danbeyntiisa dardar-gelin muuqata kadib, dhinacyada ayaa isku af-gartay inuu ku biiro kooxda heysta horyaalnimada PL England.

Monaco ayaa baddalka Bakayoko Chelsea kaga doonaysay laacibka Michy Batshuayi, hayeeshe taasi uma noqon mid suuragasha.

Chelsea ayaa sidoo kale dadaal ugu jirta saxiixa Romelo Lukaku kadib markii Costa uu sheegay in macalin Conte uu farriin-qoraal ugu sheegay inaan looga baahneyn gegida Stampford Bridge.

Bakayoko, oo 22-jir ah, ayaa Monaco ka caawiyay hanashada horyaalka Faransiiska

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan