Home / Arrimaha Bulshada / Bakhiilkii noqday saqay la ammaano dhimashadiisa kaddib!

Bakhiilkii noqday saqay la ammaano dhimashadiisa kaddib!


Himilo FM – Alan Naiman oo ah nin Mareykan ah ayaa muujiyay sida uu u yahay nin gacan furan kaddib dhimashadiisa oo uu 11 Milyan oo doolar ugu deeqay hay’adaha samafalka.

Waxa uu Alan dhintay bishii Janaayo ee tagtay isaga oo 63 jir ah kaddib muddo dheer oo uu la noolaa cudurka kansarka. Waxa uu ka shaqo bilaabay banki siddeetameeyadii qarnigii hore kahor inta uusan noqon shaqaale arrimaha bulshadda.

Dadka ku hareersanaa ninkan waxay u arkayeen nin bakhiil ah oo aan gacan furneyn. Inta badan waxa uu xeran jiray surwaal oo uu muddo wadan jiray. Dharka waxa uu ka soo iibsan jiray dukaamada qiimaha jaban.

Ma uusan guursan ninkan hase ahaatee waxa uu ahaa qof si xad dhaaf ah u jecel carruurta isaga oo daryeeli jiray tiro badan oo kamid ah. Waxaa kale oo uu daryeel siin jiray walaalkii oo ahaa naafo.

Nin saaxiib la ahaa ayaa sheegay in Alan uu inta badan ka baaqsan jiray inuu kharash badan bixiyo islamarkaana uu iibsan jiray keliya waxa uu u baahan yahay.

Dhimashadiisa kaddib, Naiman waxa uu bixiyay dhammaan hantidii uu lahaa oo lagu qiyaasay 11 Milyan oo doolar isaga oo siiyay hay’adaha samafalka gaar ahaan kuwa daryeela carruurta.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan