Bakhiilkii noqday saqay la ammaano dhimashadiisa kaddib!


Himilo FM – Alan Naiman oo ah nin Mareykan ah ayaa muujiyay sida uu u yahay nin gacan furan kaddib dhimashadiisa oo uu 11 Milyan oo doolar ugu deeqay hay’adaha samafalka.

Waxa uu Alan dhintay bishii Janaayo ee tagtay isaga oo 63 jir ah kaddib muddo dheer oo uu la noolaa cudurka kansarka. Waxa uu ka shaqo bilaabay banki siddeetameeyadii qarnigii hore kahor inta uusan noqon shaqaale arrimaha bulshadda.

Dadka ku hareersanaa ninkan waxay u arkayeen nin bakhiil ah oo aan gacan furneyn. Inta badan waxa uu xeran jiray surwaal oo uu muddo wadan jiray. Dharka waxa uu ka soo iibsan jiray dukaamada qiimaha jaban.

Ma uusan guursan ninkan hase ahaatee waxa uu ahaa qof si xad dhaaf ah u jecel carruurta isaga oo daryeeli jiray tiro badan oo kamid ah. Waxaa kale oo uu daryeel siin jiray walaalkii oo ahaa naafo.

Nin saaxiib la ahaa ayaa sheegay in Alan uu inta badan ka baaqsan jiray inuu kharash badan bixiyo islamarkaana uu iibsan jiray keliya waxa uu u baahan yahay.

Dhimashadiisa kaddib, Naiman waxa uu bixiyay dhammaan hantidii uu lahaa oo lagu qiyaasay 11 Milyan oo doolar isaga oo siiyay hay’adaha samafalka gaar ahaan kuwa daryeela carruurta.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan