Home / Habka-Nolosha / Bale: “Real way kasii fiicnaan kartaa sida hadda ay ku sugan tahay.”

Bale: “Real way kasii fiicnaan kartaa sida hadda ay ku sugan tahay.”

Muqdisho – Real Madrid in kasta oo ay ku guuleysatay koobabka La Liga iyo Champion League, hayeeshe Gareth Bale ayaa qaba in si kasii fiican ay sameyn karaan.

Kooxda Blancos ayaa 4-1 ay kaga adkaatay Juventus taas oo u suura-gelisay in laba jeer oo is xigta ay ku guuleystaan tartanka Champion League.

Madrid ayaa hadda qabsatay Europe saddex jeer afartii xagaa ee lasoo dhaafay – oo macalin zidane loo tix-gelinayo midkii ugu fiicnaa jiilkii soo maray kooxda.

Bale ayaase huba inay yihiin koox gaar ah oo leh awood goonni ah oo taariikhda casriga ah wax ku biirin kara.

Xiddiga Qaranka Wales ayaa kadib guushii UCL wuxuu ku yiri war-fidiyeenka: “Uma jeedo sabab aan uga hoos marno rikooradda ay dhigeen kuwii naga horreeyey, waxaan saddex jeer ku guuleysannay UCL afar xilli gudahood.”

“Dhamaan waxa aan sameyn karno ayaa ah inaan si adag usii shaqeyno, rajo ahaanna, waxaa imaan doona wax badan.”

Wuxuu intaas ku daray: “Waan kasii fiicnaan karnaa sida hadda. Wali waan da’yarnahay, koox weyn ayaana nahay.”

“Hadda waan adagnahay. Waan niyad fiicannahay qorshuhuna waa inaan wax badan kusii guuleysanno.”

 

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan