Kaddib ku biiriddii CR7 ee kooxda dalka Sucuudiga,waxaa soo baxaya safar Kooxda PSG ee dalka France ku tageyso Sucuudiga halkaas oo uu kulan ciyaareed saaxiibtinimo ku dhexmarayo Kooxda AL Nassr FC ee uu ku biiray Ronaldo iyo PSG oo wadata Lionel Messi.
Kulanka ayaa la qorsheeyay in uu dhoco 19ka January,waxaana durba soo xoogeystay xiisaha taageerayaasha u hayaan in mar kale ay kulmaan labada Nin ee ugu saamynta badnaa kubadda Cagta 15kii sano ee ugu dambeeyay.
Kooxda Al Nassr FC waxaa ay sidoo kale Ciyaartooy ka soo qaadaneysaa Kooxda Al Hilal ee ay isku horyaalka yihiin, Ciyaartooyda isku dhafka ah ayaa wajahaya 19ka January Kooxda PSG ee kulanka saaxiibtinimo u tageysa Sucuudi Carabiya.
Al Nassr FC ka hor inta uusan ku biirin Ronaldo waxaa barteeda Instagramka ku xirnaa taageerayaal ka ka badan 800K, laakiin markii uu qandaraaska $200Milyan u saxiixay Ronaldo waxaa kooxda ku biiray 4M followers oo cusub.
Labada Nin ayaa muddo ku xifaaltamayay Kubadda Cagta hayeeshee in Ronaldo u wareegay Qaaradda Aasiya waxaa loo arkayay in aysan mar kale kulan ciyaareed isaga hor imaneyn ka hor ballamiska hadda ee 19ka Bishan.
Isha: a-sports.tv