Home / Macluumaad / Bam ka haray dagaalkii 1aad ee dunida oo laga dhax helay bataati ku socday Hong Kong

Bam ka haray dagaalkii 1aad ee dunida oo laga dhax helay bataati ku socday Hong Kong

Himilo FM –Bam lagu tiriyay haraadigii dagaalkii koowaad ee dunida oo Jarmalka uu farsameeyay ayaa laga helay bataati laga daabulay Faransiiska oo loo waday warshad ku taala Hong Kong.

Saraakiil ayaa ku sheegay xaaladda bamka oo cabirkiisu yahay 8 Sentimitir  mid daggan hase ahaatee waxaa markii hore lagu guul dareystay in la qarxiyo.

Waxaa bamka laga helay warshad dhacda dagmada bari ee Sai Kung oo katirsan Hong Kong.

“Xogta la helayo waxay muujinaysaa in bamka laga soo dhoofiyay Faransiiska iyadoo la soo raaciyay bataati,” ayuu yiri Wong Ho oo la hadlay wariyayaasha.

Waxaa mar danbe suura gashay in la kala furfuro bamka iyadoo la adeegsanayo farsamo biyo si xooggan loo furay oo wata cadaadis.

Waxaa la aaminsan yahay in si aan ku talagal aheyn in bataatiga oo lagu beeray dhul ku yaalla Faransiiska in loo soo raaciyay bambada.

“Waxay u badan tahay in bamabada halkaasi looga tagay oo ay ciidamo ku tuureen inta uu socday dagaalka, ” Dave Macri oo ka taariikheeya arrimaha milatariga ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta South China Morning Post.

Sanandkii la soo dhaafay, boqolaal qofood ayaa lagu qasbay inay ka baxaan xarun ganacsi oo ku taala Hong Kong si booliiska u qarxiyaan bam ka haray dagaalkii labaad ee dunida oo laga helay halkaasi.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan