Home / Macluumaad / Bam kamid ah haraadigii dagaalkii 2aad ee dunida oo la helay
A family with suitcases they leave the area as part of the operations to defuse a large unexploded World War II bomb found close to the European Central Bank headquarters, on July 7, 2019 in Frankfurt am Main, western Germany. - The ECB building has been evacuated along with residential areas that are home to some 16,000 people within a roughly one-kilometre (1,000-yard) radius of the 500-kilogramme (1,100 pound) bomb, in order to allow the defusal operation by German explosives experts. (Photo by Boris Roessler / dpa / AFP) / Germany OUT

Bam kamid ah haraadigii dagaalkii 2aad ee dunida oo la helay

Himilo -Ciidanka magaalada Frankfurt ee Jarmalka ayaa kala furfuray bam kamid ah haraadigii dagaalkii 2aad ee dunida oo laga helay gudaha magaaladaasi.

Ku dhawaad 16 kun oo qofood ayaa laga daad gureeyay dhismayaal badan oo ku dhaw halka laga helay bamka sida laga soo xigtay saraakiisha Jarmalka.

Dadka laga kaxeeyay deeganadooda waxaa kamid ah dadka deegaanka, shaqaale iyo dad daganaa hoteelada.

Bamka oo uu farsameeyay Mareykanka islamarkaana culeyskiisu yahay 500 kg ayaa laga helay gudaha dhismo dhaca magaalada Frankfurt.

Dhammaan shaqaalaha bankiga dhexe ee Yurub ayaa laga saaray goobta iyadoo afhayeen u hadlay bankiga uu sheegay in la joojiyay shaqada hay’adda.

Bishii September ee sannadkii 2017, isla magaalada Frankfurt ayaa laga helay bam uu farsameeyay Ingiriiska, waxaa deeganadooda laga daad gureeyay 65 kun oo qofood.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan