Kooxda kubadda cagta Banaadir SC oo hogaamineysa kala sareynta horyaalka Soomaaliya ayaa guul ay u oomaneyd ka gaartay kooxda booska labaad Jeenyo.
Waa kulankii 65aad oo horyaalka Soomaaliya xagaagan laga dheelo, waana kii 13aad oo ay cayaareen labadan kooxood.
Kulanka ayaa ahaa mid kamid ah kulamadda sida weyn loo camiray gegada Banaadir Stadium, maadaama labada kooxood ay yihiin kuwa ugu taageerayaasha badan kooxaha horyaalka koowaad ka dheela.
LLPP Jeenyo ayaa hogaanka cayaarta qabatay daqiiqaddii 10aad ee bilowga kulanka, markii gool qurux badan oo laad xor ahaa uu shabaqa dhex dhigay Xasan Cabdinuur Geeseey.
Banaadir ayaa loolan u gashay inay gool barbaro la timaad, daqiiqaddii 39aad ayuuna Mustapha Maxwell u dhaliyay goolka barbaraha.
Cayaarta oo u muuqata in barbaro min gool ah lagu kala marayo ayuu daqiiqaddii 45aad Marcel Samsong hogaanka u dhiibay Banaadir SC oo qeybta koowaad cayaarta ku haysay 2-1.
Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay kabtan Daadir Amiin Cali Daada ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa, markii goolkii saddexaad si xirfadeysan uu u dhaliyay daqiiqaddii 55aad, xilli aanu jirin daafac isaga raacanayay oo kubad uu ka helay meel goosha u furan.
Daiiqaddii 63aad min ciyaaryahan ayaa labada kooxood laga siiyay kaarka cas.
Banaadir SC ayaase cayaarta iska maamulaneysay qeybtii danbe inta aanu garoonka bedel ku soo gelin Saadaq Maxamed Ibraahim oo lanbarka 23aad u qaata kooxda Jeenyo, Saadaq ayaana gool u soo celiyay Jeenyo.
Kulanka ayaana ku soo idlaaday 3-2 oo guushu ay ku raacday Banaadir SC oo iminka hogaanka horyaalka ku heysa lix dhibcood, walow kulan uu u harsan yahay Jeenyo oo booska labaad ku jirta.