Home / Macluumaad / Bangiga Adduunka oo siinaya Lubnaan $250 Milyan si looga hortago dhibaatooyinka koronto la’aanta

Bangiga Adduunka oo siinaya Lubnaan $250 Milyan si looga hortago dhibaatooyinka koronto la’aanta

Himilo– Bangiga Adduunka ayaa siiyay dalka Lubnaan amaah dhan $250 milyan, si wax looga qabto dhibaatada koronto la’aanta oo muddo dheer ka jirtay dalkaas, taasoo kasii dartay kaddib dagaalkii sannadkii hore dhex maray Israel iyo kooxda Xisbullah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Lubnaan.

Dalkan ayaa horey ula daalaa-dhacayey gaabis weyn oo ku yimid keenista shidaalka dibadda laga keeno iyo kaabayaal daciif ah oo dhinaca korontada ah, kuwaas oo sababay in dadka badankood ay saacado badan koronto la’aan ku jiraan maalin kasta.

Kharashaadka dib-u-dhiska dagaalka kaddib

Bangiga Adduunka ayaa xusay in Lubnaan ay u baahnaan doonto in ka badan $11 bilyan si ay u daboosho kharashaadka dib-u-dhiska iyo soo kabashada kadib dagaalkii dhacay.

Dagaalkaas oo u dhaxeeyay Israel iyo Xisbullah oo ay taageerto Iran, ayaa badi ahaan istaagay bishii November kaddib heshiis xabbad-joojin ah oo uu dhexdhexaadiyay Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinacba waxay isku eedeeyeen in aysan si buuxda u fulin heshiiskaas.

Lacag dheeri ah oo la rajeynayo

Dowladda Lubnaan waxay sheegtay in ay heshay oggolaansho hordhac ah si loo kordhiyo amaahda Bangiga Adduunka ee dib-u-dhiska laga rabo, taas oo laga dhigi doono $400 milyan halkii ay markii hore ahayd $250 milyan.

Amaahdan cusub waxay qeyb ka tahay barnaamij ballaaran oo dib-u-dhis ah oo gaaraya $1 bilyan, iyadoo lacagaha kale la filayo in ay ka yimaadaan caawimo caalami ah oo ay bixiyaan dalal iyo hay’ado kale.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan