Home / Dhaqaale / Banki si khalad ah u dhigay $37 Milyan akoonka haweeney

Banki si khalad ah u dhigay $37 Milyan akoonka haweeney

Himilo- Haweeney deggan gobalka Dallas ee dalka Mareynkanka ayaa akoonkeeda ku aragtay in ka badan $37 Milyan, balse waxay oggaatay in lacagta si khalad ah loogu soo shubay akoonkeeda.

Rush Balloon ayaa sheegtay inay hubisay koontada akoonkeeda ee ay ku leedahay LegacyTexas Bank iyadoo la yaabtay markii ay ku aragtay  $37,203,337 balse aysan awoodi karin  inay sharraxaad ka bixiso.

“ Waxaan heysannaa lacag aad u badan, runtii waa layga helay,” ayay u sheegtay KTVT-TV.

Balloon ayaa ninkeeda u sheegtay hantida daahsoon balse xaajigeeda ayaa isla markiiba wacay bankiga.

LegacyTexas Bank ayaa lammaanaha ku wargeliyay in lacagta ay aheyd mid khalad ku timid isla markaana la saxay.

“Waxaan noqday Milyaneer, waxaan ka qaaday sawir si aan kuugu caddeeyo waxa dhacay,” ayay tiri Balloon.

Dhacdooyinka noocaan ayaa mararka qaar ka dhaca bankiyada kuwaasi oo lacago si khalad ah u dhiga akoono aan ku tala gal aheyn.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan