Himilo-Duufaan loogu magac daray Luban ayaa lasaadaalinayaa inay ku dhufato Soomaaliya, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.
Dalka Cumaan, ayaa la sheegay ugu horreyn inay ku dhufaneyso, halka ay soo gaari doonta dalka Yemen.Waxaa la sheegayaa in roobab aad u xoog leh ay wadato.
Xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka ayaa sheegaysaa in la fili karo in xoogeedu uu yaraado marka ay gaarto Yemen iyo Cumaan, waxaa inta dheer oo xaruntu ku sheegtay heerka duufaantan inuu yahay heerka koowaad.
Xilliga ay Soomaaliya ku soo beegan tahay awoodeedu way yaraan doontaa,sida laga soo xigtay xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka oo warbixinta ka soo baxday sidoo kale ku sheegtay roobabka xoogga leh in ay dhalin karaan daadad khatar gelin kara qaybaha ay ka marayso dalalka ay ku wajahan tahay duufaanta oo ka soo abuurmaysa badda.
Duufaannada kulaaleyaasha ayaa intooda badan waxay ka kacaan badda Arabia xilliyada Guga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Cadmeed.
Bishii Maajo ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Soomaaliya.
Hey’adaha digniinaha adag bixiye waxaa kamida h IGAD, xarunta dhexe ee saadaasha Hawada Urur Goboleedka IGAD (ICPAC) ee uu fadhigeedu yahay Nairobi ayaa ka digtay Dabaylo iyo Duufaanno xooggan oo kusoo wajahan Xeebaha bari ee Soomaaliya.
Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA oo digniin iyo talabixinba siineeysa bulshada Soomaaliyeed, si ay uga taxadaraan khataraha uga imaankara daadad ama fatahaado ka dhalankara roobka xilliga Gu’ga oo ka da’ay inta badan gobalada dalka.
Meelaha qataraha ugu badan ay ka dhalan karaa waxaa ka mid ah magaalooyinka wajibadu ay maraan.
Marka loo fiiriyo digniinaha isdabajooga ah ee soo baxaya iyo tabaabusho la’aanta hey,addaha dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa u dhaxeeya farqi weyn. dadkuna waxay u noolyihiin sidii inaysan jirin halis badan taas oo keeni karta dhibaato xoogleh oo dhacda.
Magaalada Muqdisho oo inta badan wadooyinkeeda ay xermaan marka roob yari da’o maamulkeedu umma diyaarsana roobabka lixaada leh oo ay ka digayaan hey’adaha caalamigu, majiro abaabul busho iyo in dib u dayactir lagu sameeyo dhuumihii biyaha badda ku daraye. Dhanka gobolada, gaar ahaan meelaha ay wabiyadu maraan majirto digniin iyo wacyi galin xoogan oo gaaray taas oo keeni karta qasaare hadii xilli aan lafileyn ay fatahaadi timaado.