Home / Arrimaha Bulshada / Barayaasha Dugsiyada sare ee Muqdisho oo tababar loo qabtay,Daawo

Barayaasha Dugsiyada sare ee Muqdisho oo tababar loo qabtay,Daawo

Jaamacadda Muqdisho ayaa soo qaban qaabisay tababar laba maalmood socday oo loo qabtay Barayaasha wax ka dhiga Dugsiyada sare ee Magaalada Muqdisho.

Tababarkan oo ay ka faa’ideysteen in ka badan 100 Macalin oo ah barayaasha Iskuullada ku yaalla Muqdisho ayaa lagu baranayay afar qeybood oo kala ah; habka barista, dhismaha Imtixaanaadka, maamulka fasallada iyo habka aqlaaqdhiska iyo harumarinta ardeyga.

Macallimiinta bixnayay tababarka ayaa sheegay in ay arkeen baahida ay qabaan Barayaasha wax ka dhiga Dugsiyada Muqdisho ayna u soo baxday in tababarkan la qabto.

Sidoo kale markii uu soo dhamaaday tababarka ayaa Barayaasha ka faa’ideystay waxaa ay sheegeen in ay ku faraxsanyihiin  tababarka kana kororsadeen casharro muhiim ah.

Halkan ka daawo.

https://www.facebook.com/RadioHimilo.so/videos/1018685369137372/

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan