Home / Habka-Nolosha / Barca oo ka dhur-sugaysa Messi cusboonaysiinta heshiiskiisa.

Barca oo ka dhur-sugaysa Messi cusboonaysiinta heshiiskiisa.

Muqdisho – Barcelona ayaa dhowraysa laacibka Messi bal inuu ka dhabeeyo sida uu u danaynayo inuu ciyaarihiisa ku dhamaysto kooxda, iyaga oo sugaya inuu heshiika u cusboonaysiiyo.

Madax-weynaha Barca, Jose Maria ayaa mar labaad la weydiiyay halka uu ku beegan yahay mustaqbalka laacibkan. Su’aalo aan u muuqan inay u heli karaan jawaabo lagu raaxaysto ayaa ku wajahan kooxda kuwaas oo la xiriira halka uu kusii jeedo timaadada dhow ee laacibka heshiiskiisu uu ku dhow yahay dhamaadka.

Messi oo shan jeer ku guuleystay abaal-marin Ballon De’or ayaa dhawaan sheegay inuu jeclaan lahaa ku dhamaysiga ciyaarihiisa kooxda Barcelona.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan