Home / Cayaaro / Barcelona iyo Real Madrid oo xiiseynaya da’yar reer Portugal ah

Barcelona iyo Real Madrid oo xiiseynaya da’yar reer Portugal ah

Himilo – Barcelona iyo Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan saxiixa da’yarka Herculano Nabian ee u cayaara kooxda Vitoria de Guimaraes.

16 jirka oo dhaliyay afar gool sagaal kulan oo uu u saftay xulka qaranka Portugal ee ka hooseeya 17-ka sanno ayaa qandaraaskiisa kooxda Vitoria waxa uu dhacayaa dhammaadka xilli cayaareedkan.

Weeraryahanka ayaan wali matelin safka koowaad ee kooxdiisa balse waxa uu dhaliyay 43 gool isaga oo soo jiitay kooxo badan.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Barcelona iyo Madrid ayaa labaduba xiiseynaya da’yarka iyaga oo doonaya inay heshiis ka saxiixaan kahor ol-olaha 2020-21

Kooxaha Sporting Lisbon, Porto iyo Benfica ayaa sidoo kale lala xiriiriyay cayaaryahanka.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan