Home / Cayaaro / Barcelona oo £18m ka helaysa iibinta Ousmane Dembele

Barcelona oo £18m ka helaysa iibinta Ousmane Dembele

Himilo – Borussia Dortmund ayaa £18m kaheli doonta Barcelona haddii ay Barcelona iibineyso Ousmane Dembele inta lagu guda jiro suuq furanka xagaaga.

Kaddib markii uu heshiis qiimo badan uu ku tagay Camp Nou sannadkii 2017-ka, Dembele ayaa seddex sanno oo niyad jab ah ku qaatay garoonkaasi sabab la xiriirta dhaawacyo joogto ah.

Xilli Barcelona u furan tahay uruurinta lacago ay ku dooneyso cayaaryahanno kala duwan, waxaa la soo warinayaa warar badan oo ku saabsan mustaqbalka laacibka Faransiiska.

Si kasta, sida laga soo xigtay Bild, Dembele ayaa loo badinayaa in lagu iibin dono kharash ka yar inta horay loo sii saadaaliyay.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan