Home / Cayaaro / Barcelona oo £631m ku dooneysa Lionel Messi

Barcelona oo £631m ku dooneysa Lionel Messi

Himilo – Barcelona ayaa la soo warinaya in aysan damacsaneyn inay hoos u dhigto qiimaha lacageed ee Lionel Messi ee xagaagan.

Iyada oo kooxda reer Catalan ay ku jirto marxalad adag haddana waxaa la tilmaamayaa in weeraryahanka uu doonayo in uu fursaddan uga faa’iideysto sidii uu kooxda uga tagi lahaa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya mustaqbalka 33 jirka iyada oo si weyn loola xiriiriyay Manchester City, Inter Milan, Juventus iyo PSG.

Si kasta, warbaahinta Spain ayaa qortay in saraakiisha kooxda codsanayaan £631m haddii koox soo gudbineyso dalab rasmi ah oo ku saabsan laacibka.

Messi ayaa la xusay in uu wadahadallo la yeeshay tababaraha cusub ee kooxda Ronald Koeman isaga oo u sheegay in uusan sii joogeyn Barcelona.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan