Home / Cayaaro / Barcelona oo £8m ku dooneysa Emerson

Barcelona oo £8m ku dooneysa Emerson

Himilo – Barcelona ayaa xiiseynaysa cayaaryahanka Emerson oo ay dooneyso inay keento kooxda ol-olaha 2020-21-ka.

Kooxda heysata horyaalka Spain ayaa la saxiixatay 21 jirka katirsan Atletico Mineiro xagaagii tagay laakiin waxa uu si deg deg ah ugu biiray Real Betis heshiis la isku afgartay.

Barcelona ayaa heysata go’aan ah inay si rasmi ah daafaca u keento garoonka Camp Nou qiimo ku kacaya £5.2 Milyan sannadka 2021-ka balse sida laga soo xigtay AS, kooxda reer Catalan ayaa ka arrinsaneysa in keliya laacibka reer Brazil lagu bixiyo kharash dhan £8 Milyan.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in bandhiga wanaagsan ee Emerson oo uu sameeyay xagaagan in uu soo jiitay kooxda uu leyliyo tababare Quique Setien.

Emerson ayaa dhaliyay seddex gool isaga oo caawiyay shan kale 23 kulan oo La Liga ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan