Home / Cayaaro / Barcelona oo aan dooneyn inay la kulanto qiimaha lagu doonayo Erling Haaland

Barcelona oo aan dooneyn inay la kulanto qiimaha lagu doonayo Erling Haaland

Himilo- Barcelona ayaa ka bixi karta loolanka loogu jiray saxiixa Erling Haaland madaama aysan dooneynin inay la kulmaan Red Bull Salzburg lacagaha ay ku qiimeyso weeraryahanka  oo ah 85 milyan ginni.

19-jirkan, oo dhawaanahan lala xiriirinayay kooxaha sida Manchester United, Real Madrid iyo Juventus, ayaa dhaliyay 26 gool 18 kulan oo uu u saftay Salzburg xilli ciyaareedkan.

Toddobaadkii hore, waxaa la sheegay in Barca ay ku biirtay ugaarsiga da ‘yarka iyadoo ay u  tixgalinayaan bedelka Luis Suarez.

Si kastaba , sida laga soo xigtay ESPN FC, halka kooxda heysata horyaalka Spain ay aad u xiisayso Haaland, diyaar uma ahan inay la kulmaan qiimaha Salzburg ee ah £ 85 milyan oo ginni oo ah qandaraaska uu  kula jooga Austria ilaa Juun 2023.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda ka dhisan gobolka Catalan aysan macquul aheyn inay la soo wareegaan xiddiga heerka caalami ee dalka Norway haddii uusan qiimahiisa si weyn hoos ugu dhicin ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Haaland ayaa dhaliyay 15 gool 12 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, halka weeraryahanka uu sidoo kale dhaliyay 7 gool afar kulan oo Champions League ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan