Home / Cayaaro / Barcelona oo aan fasaxi doonin Quique Setien

Barcelona oo aan fasaxi doonin Quique Setien

Himilo – Barcelona ayaa la soo warinayaa in aysan fasaxeyn tababare Quique Setien illaa laga gaarayo dhammaadka xilli cayaareedka.

Xilli Barcelona lumisay dhibco kulamadii Sevilla iyo Celta Vigo, waxaa soo baxay wararka sheegaya in xubno badan oo kamid ah kooxda in aysan kalsooni ku qabin tababaraha dhawaan la magacaabay.

Si kasta, sida laga soo xigtay RAC1, madaxa Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa booqday guriga Setien si uu taageero ugu muujiyo 61 jirka ah.

Wararka soo baxaya ayaa ku soo aadaya xilli Setien su’aalo laga weydiiyay mustaqbalkiisa kahor kulanka kooxdiisa iyo Atletico Madrid.

Setien ayaa kooxda la guuleystay 11 jeer, seddex barbaro ah iyo seddex guuldarro 17 kulan.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan